This is the accessibility version designed specifically for users needing extra accessibility features.
Feel free to check out the original experience here.
The experience descriptions and guides are currently being displayed in Somali.
Jaamacadda St. Cloud State waxaanu leenahay hadaf ah inaan godlino firkadaha, inaan godlino mala-awaalka iyo ujeedada iyo ballanqaadka. Waxaanu leenahay hadaf aanu ku godlinayo wixii kugu jira oo dhan. Haddii aad diyaar u tahay inaad safar gasho kaasi oo kaa caawin doona inaad ogaato waxaad rabto inaad godlisid, markaa isticmaal qalabyada safarka ee lagu siiyey si aad u ogaatid qaar ka mid ah waxa St. Cloud State ay bixiso.
Kahor intaanan bilaabin, aan kuu sharaxo siyaabo badan oo aad u sahamin karto xeradayda.
-Waxaad dhagsiin kartaa fallaadha hore u jeeda si aad u bilawdo socodka.
- Waxaad ku boodi kartaa joogsiga xiga adigoo dhagsiinaya batanka "Next".
-Haddaba, haddaad sii ogayd meesha aad rabto inaad tagto, waxaad dooran kartaa meel kasta adigoo isticmaalaya liiska AMA adigoo dhagsiinaya si toos ah khariidadda.
-Ugu dambayn, xusuusnaw inaad sahamin kartid meel gaar ah si faahfaahsan adigoo dhagsiinaya aykonada dheeraadka ah.
Welcome Center/Coborn Plaza Apts
Tour stop audio transcript
Xarunta Soo-dhawaynta ee Coborn Plaza waa albaabka cusub ee hore ee Jaamacadda St. Cloud State. Wuxuu isku xiraa xerada iyo bulshada. Dabaqa sare, Abaarmada Coborn Plaza ee sida fiican loo qalabeeyey waxa ka jira dhismaha guryeynta oo tasiilaad fiican, qiime sare leh, oo 455 arday qaada kaasi oo 1 bolog oo kaliya u jira tafaariiqda iyo maqaayadaha cuntada downtown St. Cloud.
James W Miller Learning Resources Center
Tour stop audio transcript
Markaad u baahatid agabka cilmibaarista maktabadda ee ugu dambeeyay ama keliya meel Wi-Fi ku xiran yahay, Xarunta Miller ayaa bixin doonta. Marka laga tago maktabadda, waxaa jira boqolaal kombiyuutar oo aad isticmaali karto, iyo sidoo kale meelo raaxo leh oo aad daraasayn iyo cilmibaaris ku samayn karto. HuskyTech waxay kuu oggolaanaysaa inaad iibsato tiknoolajiyadda ugu dambaysa oo aad hesho caawimaad farsamo, iyo dukaanka qaxwaha iyo laabka kombiyuutaraduna waxay u sameeyaan jawi soo-dhaweyn leh.
World Commons
Tour stop audio transcript
Deegaanka World Commons ayaa ardayda siinaya meel ay ku qaataan nasasho deggan oo ku yaala bartamaha xerada halkaasi oo leh geedo, dabeecad iyo dhijaamaha kalluunka koi. Intii lagu guda jiro dabbaaldegga xagaaga ee sanadkii ee Lemonade Concert & Art Fair, World Commons waxay martigalisaa muusigyahanada iyo madadaaliyayaasha maxalliga ah iyo goboleed.
Centennial Hall
Tour stop audio transcript
Dabaqa koowaad ee Centenial Hall waxa ku jira Husky Bookstore, oo ah dukaanka aad ka gadan karto buugaagta iyo geerka SCSU. Dabaqa 2aad waxa ku yaala in badan oo ah adeegyada ardayda ee xerada sida Xarunta Xirfadaha Xisaabta, Adeegyada Xirfadaha, Adeegyada Helitaanka Ardayga, Xarunta Taageerada Waxbarashada Dhaqamada Kala Duwan. Dabaqa 3aad iyo 4aad waxay hoy u yihiin Dugsiga Ganacsiga Herberger ee SCSU iyo Xarunta La-talinta.
Atwood Memorial Center
Tour stop audio transcript
Xarunta Memorial Centre waa qalbiga waxqabadka ardayga ee xerada. Atwood wuxuu leeyahay ikhtiyaada cuntada sida Chick-fil-A, Erberts iyo Gerberts, Einstein Bagels, Caribou Coffee, Denny's Den iyo wax kale. Tiyaatarka waxa lagu soo bandhigaa filimaan cusub oo dhawaan la sii daayay iyo Dhulka hoostiisana waxaa ku yaal gawaarida bowling, billards iyo miisaska ping pong. Tasiilaadka kale waxaa ka mid ah bangi, Copies Plus, iyo dukaan wax-walba-haye ah oo xilli dheeraad ah shaqeeya. Ururo badan oo ay hoggaaminayso ardaydu oo ay ka mid yihiin Waaxda Kaqaybqaadashada Xerada; Adeegyada Ardayda Dhaqamada Badan; Ururka Dawladda Ardayga ayaa kuugu yeeraya Atwood.
Case Hill Residence Hall
Tour stop audio transcript
Hoolka dhawaan la cusboonaysiiyey ee Hill Hill Residence Hall wuxuu leeyahay meel bulshadu iskugu timaad oo habboon iyo meelo wax lagu daraasayn karo. Adeegyada Caafimaadka SCSU waxay ku yaalaan dabaqa koowaad ee Hill Hall. Dhismuhu wuxuu sidoo kale hoy u yahay Bulshada Waxbarashada Maamuusta Jaamacadda. Case-Hill waxay leedahay shaybaar kombiyuutar 24-ka saac ah, qalabka qolalka ee la rari karo iyo jiko quruxda badan iyo fadhiyo dabaq kasta.
Garvey Commons
Tour stop audio transcript
Ardayda ku nool hoolalka guryaha, Garvey Commons waa meesha ugu muhiimsan ee wax lagu cuno. Waxaad haysataa ikhtiyaarka qorshayaasha cuntada oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood bixiya doorashooyin kala duwan oo cunto ah.
Lawrence Hall
Tour stop audio transcript
Lawrence Hall waa hoyga Xarunta Daraasaadka Caalamiga ah iyo Waaxda Luuqadaha Ajanabiga. Waxay kale oo ay tahay hoolka deegaan ee ardayda caalamiga ah iyo ardayda Maraykanka ee dhigta luuqadaha ajanabiga iyo arrimaha caalamiga ah.
Stewart Hall
Tour stop audio transcript
Marka laga tahay inuu yahay hoyga xarunta telefishanka la aqoonsan yahay ee jaamacadda, UTVS, Stewart Hall wuxuu hoy u yahay xarunta raadiyowga kuuliyadda, 88.1FM KVSC, jaraa'idka xerada Chronicle iyo tiyaatarka ugu wayn xerada, Ritsche Auditorium. Stewart waxay hoy u tahay qaybo badan oo ka tirsan kuuliyadda Liberal Arts iyo Dugsiga Arrimaha Dadwaynaha iyo sidoo kale Guutooyinka Tabobarka Saraakiisha kaydka Ciidanka. Stewart Hall waxa kale oo ku yaalaa Xafiiska Adeegyada La-talinta iyo Cilmi-nafsiga.
Xarunta Sayniska Isku-dhafan, injineerinka iyo Shaybaarka waxa loogu talogalay in sare loo qaado wada-shaqaynta qaybaha kala duwan ee waxbarasho. Xaruntani waxay u oggolaanaysaa ardayda digriiga koowaad dhigata fursadda inay toos ugala shaqeeyaan saaxiibada indhustariga mashaariicda casriga ah. ISELF waxay u adeegtaa ardayda ku jirta sayniska, tiknoolajiyadda, injineernimada iyo xisaabta. Waxa ku jira Shaybaarka Muuqaalka kaasi oo ku muujiya macluumaad ah 2D, 3D, iyo qaabab macaamil iyo isdhexgalin ah. Shaybaarka Robotics, Class 1000 Clean Room, Daabacaad 3D iyo shaybaar Dhakhso badan iyo Xarun Sawir waa qaar kamid ah shaybaarada khaaska ah ee ISELF.
Halenbeck Hall Student Recreation Center
Tour stop audio transcript
Halenbeck Hall waxa ku jira Waaxda Kinesiology iyo xafiisyada Waaxda Ciyaaraha. Xaruntani waxay leedahay meel jimicsi oo qaada 6,400 kursi, barkad dabbaal iyo ceel la quusayo, dhabbe la ordayo gudaha, garoonka rakeboolka, qolka lagdinta, qolka culayska iyo jaaska. Xarunta Madadaalada Ardaydu waxay leedahay gudaar fuulitaanka lagu barato, qalab jimicsi casri ah oo ay tahay inay ardaydu isticmaalaan kuwaasi oo ay ku jiraan culaysto mishiino iyo ka badan 50 oo qurub oo qalabka wadnaha ah kuwaasi oo bilaash ah. Tani waxay hoy u tahay barnaamijka Outdoor Endeavor, istuutyaha duugista, iyo istuutyayaasha jimicsiga kooxda iyo istuutyaha fanka isdifaaca.
Husky Stadium
Tour stop audio transcript
Iyadoo dusha laga soo eegayo Webiga Mississippi, Garoonka Husky ee 4,200 ee kursi yaalaan wuxuu leeyahay muuqaalada ugu fiican isboortiyada oo dhan si loo taageero kooxda kubbadda cagta SCSU, kooxda kubbadda cagta haweenka, ama ha noqoto kaqaybqaate ciyaar u dhaxaysa jaamacadda dhexeeda ama koox isboorti. Inta lagu jiro bilaha qaboobaha, garoonka waxa lag u daboolaa saqaf malaasan waana la kululeeyaa, taasi oo ka dhigaysa inuu sanadka oo dhan shaqeeyo.
Herb Brooks National Hockey Center
Tour stop audio transcript
Herb Brooks National Hockey Centre, oo loogu magac-daray tabobarihii hokida SCSU, Herb Brooks kaasi oo tabobarayey Mucjisadii 1980 ee Kooxda Hokida Billadda Dahabka Olombiga Barafka, waxay hoy u tahay NCAA Division I Husky qaran ahaan caanka ah ee barnaamijyada hokida ee ragga iyo haweenka. Xaruntan 138,000 ee laba jibbaaran ah waxa ku jira xaashiyo baraf ah oo xajmiga 2 olombig ah, istoodh koox, 14 qol, qufulo joogitaanka iyo maqnaanshaha guriga ah, qol tabobar iyo qolka Husky Den Club.
Shoemaker Residence Hall
Education Building
Tour stop audio transcript
Dhismaha Waxbarashada waa kobta ugu muhiimsan ee ardayda doonaya inay noqdaan macallimiin. Waa hoyga dhammaan waaxyaha Dugsiga Waxbarashada. Dhismaha Waxbarashada wuxuu sidoo kale hoy u yahay Confucius Institute kaasi oo hadafkiisu yahay inuu sare u qaado luuqadda iyo dhaqanka Shiinaha iyo fahmidda Shiinaha gabi ahaan. Xarunta Tiknoolijiyadda Manhajka (CTC) waxay siisaa khayraad macaamiisha si ay ugu qiimeeyaan uguna isticmaalaan fasalka iyo carbiska labadaba.
Barden Park
Tour stop audio transcript
Beerta lagu nasto ee ugu wayn da' ahaan ee bulshada ee St. Cloud, Bard Park waxay ardayda siisaa meel ay ku nastaan oo ku ciyaaraan. Beertu waxay ku martigalisaa riwaayadaha kooxda bulshada xagaaga iyo sidoo kale dhacdooyin kale oo muhiim ah sida Atwood After Dark's Movies ee Beerta.